How I become a Graphic Designer?

Safarkaygii designer nimo laga soo bilaabo 2014-2023

Horraantii sanadkii 2014 waxa aan ku jiray bilowga dugsiga Sare waxa aan aad u xiiseyn jiray maadooyinka teknolojiyadda la xiriira in kasta oo aanan access fiican u heysan, waxa aan xasuustaa macalimiinta noo dhiga maadooyinka kale ee  iskuulka lagu barto markii ay sheeko ama taariikh si uun  technology ugu saabsan soo hadal qaadaan aad ayaan u xiiseyn jiray oo aan u dhag raaricin jiray, xiisahaasina waxa uu ahaa mid guud oo aan technologyadda u hayay oo illaa yaraanteydiiba waxaan ahaa mid si gaar ah u xiiseeya waxyaalaha tiknolojiyadda la xiriira ama waxa kasta oo electric ku shaqeeya inkasta oo aanan nasiib u yeelan intii aan yaraa maadaama aan yaraantaydii kusoo qaatay meel gobal ah oo aan horumar tecknologyadeed ka jirin.

Nasiib waang waagaa iskuulka aan dhiganayay waxaa jirtay maado computer application ah oo qaab theory ah buug nalooga akhriyi jiray si fiican umaanan fahmi jirin maadaama oo iskuulku aanu computer lab lagu practice gareeyo lahayn xilligaas.

Ardaydu maadadaas si fiican umay dhageysan jirin maadaama oo fahamkeedu ku adkaa, qaar ardayda kamid ah markii macallimku soo geli rabo ayay iskasii bixi jireen, qaarna si hoose ayay miisaskooda game Ps la yiraahdo ku ciyaari jireen taleefanadooda. Qaar yar oo kamid ah ardayda oo an anigu ku jiro iyagoo ixtiraamaya macallimka ayay dhagaysan jireen.

Maalin maalmaha kamid ah ayaa macallimkii noo dhigayay maadada computer fundamentals oo la oran jiray Ustad Alasow ayaa markuu casharka dhameeyay waxa uu si waano ah nagu yiri “Ardayey maadadan waxa ay u baahantahay Practice badan inaad ku sameysaan maado in lasoo xifdiyo ama la memorize gareeyo kaliya  u baahan ma ahan ee haddii ay suuragal tahay waxaa jira qeyb private ah oo iskuulku leeyahay oo maadadan lagu dhigo isla markaana leh computer lab ee maad ku biirtaan oo aad iska diiwaangelisaan haddii aad dooneysaan inaad computerka si fiican u barataan?”. Macallinkii ayaa sidaa nagu yiri

Taladii macallimku na siiyay ayaan qaadannay, waan baxnay oo iskuulkii private-ka ahaa ayaanu tagnay anniga iyo dhwor qof oo kale oo aan ka xasuusto saaxibkay qaali ah @Ahmed Araye. Waan iska diiwaangelinay waliba qiima dhimis 30% ayay noo sameeyeen maadaama aanu iskuulka qeybta machadka ka imaanay.

Sidii ayaan ku billownay barashada aas-aaska computer-ka aniga oo aad u xiisaynayna,  xamaasan badanna u haya waayo waxay ahayd markii iigu horreysay noloshayda ee aan computer gacantayda ku taabto waana halka ay noloshaydu is badalku uga bilowday.

Caadi ahaan gallinka dambe ayaan iman jirnay iskuulka private-ka ah, waxaana qaadanay 5- 6 buug oo aas-aaska computer ka ku saabsan oo ay kamid ahaayeen:  MS-Dos ,Windows, Word, Excel, Powerpoint iyo Access, mudo aan 6 bilood ka badnayn ayaan ku dhameynay aas-aasiyaadka computer-ka.

Hadda waan dhameyay aas-aasiyaadka computer balse Wali si fiican uma fahamsani maadooyinka aan soo dhigannay mudadii lixda bilood ahayd, lkn wax badan baa iiga bidhaamay. Xitaa markii aan dhameyay iskuulkii private-ka waan sii waday imanshaha iskuulka si aan computers ka meesha yaala ugu practice gareeyo wixii aan bartay.

Mararka qaar markii ardayda  ay wada rawaxaan ayaan kaligay sii joogi jiray si aan computers-ka usii isticmaalo maadaama aanan computer guriga ku heysanin illaa ninka meesha ka shaqeeyay uu igu dhaho  kasoo bax meesha waan xiri rabaaye.

Iyada oo ay sidaa xaaladaydu tahay oo aan xarunta  iskuulka practice inaan ku sameeyo kaliya u imaado ayaa maalin maalmaha kamid ah macallinkii inoo dhigayay aas-aasiyaadka computer-ka waxa a uu inoo soo bandhigay oo uu inoo sheegay inuu qabanayo course kooban oo ku saabsan Adobe Photoshop CS5 oo mudo bil ah soconaysa lana baranayo maalmaha jimcaha iyo Khamiista.

In kasta oo aanan xilligaas faham fiican ka haysan waxa ay photoshop tahay iyo waxa ay qabato, haddana waan iska diiwaan geliyay koorsadii waan bilownay muddo bil ah ayaan maalmaha khamista iyo jimcaha dhiganaynay.

Macallimku khayr Allah ha siiyee waa uu nagu dadaalay waqti na waa uu nagu bixiyay intii karaankiisa ah laakin runta marka laga hadlo shaqsi ahaan way igu yar adkeyd barashada Photoshop-ka,  waxaana u sababeyn karaa practice keyga oo yaraa maadaama oo maalmaha kale aan waxbarasho caadiga ah ku mashquulsanaa, xaafaddana computer gaar ah ii aalin oo aan ku practice gareeyo.

Si kastaba ha ahaatee waan dhameyeeyay koorsadii, shahaadado cadeynaysa inaan photoshop bartay na waan ka qaatay laakin wax saa u weyn kama aanan garanayn photoshop-ka.

Intaa kadib iskuulkii waan ka baxay waayo maalinkasta inaan iska imaado aniga oo aan lacag bixinayn way ila qurux badnaan kari weysay sababtoo ah boos baan ka buuxinayay iskuulka oo uu u fadhiisan lahaa qof cusub oo lacag bixinaya.

Waxa ay noqotay inaan ka fakero sidii aan xirfadda aan bartay ee aas-aasiyaadka computerka iyo photoshop-ka kusii horumarin lahaa laakin caqabado badan ayaa i heystay oo ay ugu weyn tahay inaanan computer heysan meelna aanan ku ogeyn cid ii iibisa ama keeda igu caawisa si aan ugu practice-gareeyoo, waxa aan ku dhawaaday inaan quusto oo aan faraha ka qaado computer iyo barashadiisaba.

Midna ogow noloshu sida ay maanta u fududahay uma aysan fududayn waagaas, duruufo badan oo tan dhaqaale ugu weyntahay na waa ay iska jireen. Laakin markasta waxaan aaminsanaa in maalin uun wax isbadali doonaan.

Muddo aniga iyo computer ismaynaan arkin intii yarayd ee aan bartayna waan iska illoobay maadaama iskuulka iigu dambeysay practice iyo fara ku heyn.

Markii dambe waxa aan sameeyay si aan computer u helo aan ku practice gareeyo waxa aan aruursan jiray lacag sida lagu keenay Allah xaalkeeda ogyahay, isbuuciiba mar ama labadii isbuucba mar hadba sida ay iigu suuragasho ayaan waxaan tagi jiray meel Internet Café ah, kedibna waxaan kireysan jiray saacado ama daqiiqado.

Xilligaa internet Café-yada magaalada aad bay uga shaqeynayeen haddii aad xasuusataan, suuqoodu na aad buu u kala socday maadaama oo xilligaas aanay jirin mobile internet ka hadda aynu heysano.

Waxay ahayd waagaas laba mid uun inaad sameyso si aad internet u hesho; 1- inaa internet qaali ah xaafadda soo gashato oo dhwor boqol oo dollar aad bixisid bil kasta ama 2- inaad Internet Café tagto oo aad saacado kireysato. Tan 1aad ee ah inaa internet soo xirto suura gal iima aysan ahayn iyo inta badan dadka, qoysas-ka lacagta leh ama shirkadaha ayuunbaa karayey inaa sidaa sameeyaan lkn dadka caadiga ah waxa ay tagi jireen internet café-yada magaalada

Dadku badanka internet Café-ga waxay u imaan jireen baashaal iyo iney asxaabahooda iyo familadooda kala sheekeystaan ee dunida daafaheeda kala jooga oo facebook iyo applications ka la mid ah ku isticmaalaan balse aniga waan ka duwanaa dadkaas oo dhan, kaliya waxaan internet-cafe-ga u imaan jiray si aan computer u isticmaalo oo aan ugu practice gareeeyo sidoo kale aan ka baarto waxa aan internet-ka uga baahanahay.

Runtii Internet Café-yada wax badan ayaan ka bartay aadbayna ii caawiyeen oo inta yar ee aan joogo waxa aan booqan jiray Youtube iyo website yada kale ee wax laga barto waxaana kasoo dejisan jiray casharo tutorials badan kedibna telephone ka ayaan ku qaadan jiray si aan xaafadda bilaa internet ugu soo daawado ama ugu akhristo. Waxyaalaha aan aad ugu xasuusto internet- cafe-yada waxaa kamid ah in mar mar igu dhici jirtay in macluumaad maanta oo dhan aan internet-ka ka baaranayay ee aan hal folder ku shubtay uu waqt-gu iga dhamaado kedibna computer uu is xiro. Waadna ogtahayoo computers-kaas waxba ma keydin jirin, haddii aad u baahantahay in file-lagaaga soo saaro computers-kaas waa inaa u sheegtaa qofka administrator-ka ah si uu kuugu dhex dhigo computer-ka admin-ka ah inta aanu waqti-ga kaa dhicin. Allah imisa jeer bay igu dhacday oo aan ku qasbanaaday inaan dib u kireysto saacado si aan dib ugusoo download gareysto xogtii iga masaxmatay.

Sidaas anigoo ku socda ayaa maalin maalmaha kamid ah waxa aan kulannay nin milkiile ka ahaa meel internet Café iyo madbacad ah waxa uu ii sheegay inuu doonayo qof caawiya oo kala shaqeysa dhanka madbacadda.

Anna waxa aan u sheegay inaan aas-aasiyaadka computer-ka  dhowr bilood ka hor soo bartay wax na ay iiga billaabanyihiin sida Ms-office applications-ka loo isticmaalo.

Waan sheekeysannay ninkii odayga ahaa, waxa uuna igu yiri maalintaa meesha xaruntayda iigu imow,  waan u tagay maalintii, waxa uu ikala tus tusay sida ay u shaqeeyaan, waxa uuna igu yiri  “waad nala joogaysaa tababarna waan ku siinaynaa daabacaadda ka ku saabsan ee ma iman kartaa gallinka dambe markaa iskuulka kasoo rawaxdo”., anna haa baan ku iri anigoo aad u xiisayna.

Sidii baan ku billaabay, subaxa hore iskuul baan soo dhigtaa, galabtiina meeshii daabacadda ayaan tagaa illaa habeenkii ayaan shaqeeynaa. Laakiin ogow mushaar (Salaray) kuma shaqeeyo kaliya nafteyda inaan wax u barto ayaan u joogaa, inkasta oo asxaabtayda qaar u haysteen inaan si buuxda u shaqeeyo oo aan mushahar bille ah qaato, anigana uma aanan sheegi jirin waayo waxa aan ogaa waxa ay i oran doonaan. Yacnii “doqon baad tahay, waa lagugu shaqeystaa” iyo hadalo kale oo jeesjees ah ayaan kala kulmi lahaa. taas ayaa keentay inaan asxaabtayda u muujiyo inaan ahay nin shaqeysta anigoo aan shilin heysan,

Balse runta marka laga hadlo aad baan uga mahadnaqayaa, waxa aan meeshaa ku heystay wax mushahar  1000 jeer iigaga fiican, ma garanysaa waxaasi??? Waa computer aan xor u ahay iyo waliba Internet free ah maadaama sidii aan horey u sheegay qolada meesha ay lahayeenn meel internet Café ah oo ku dhagsan madbacadda, compputers-ka meesha meesha madbacadda yaalayna, Internet free ah baa ku xirnaa.

Taas ayaana wax kasta iiga qiima badnayd waayo meel kale si bilaash ah ugama aanan heleyn, waligayna niyada iskama oran maa mushaar lagu siiyo saacado badan ayaad shaqeysaaye.

Waxa aan billaabay inaan waqti badan ku bixiyo inaan online-ka wax ka barto waxa aan si fiican u bartay sida Ms-Word wax loogu design gareeyo maadaama shaqada madbacadda badanka ay Ms-Word ku saleysneyd ama ay ku shaqeynayeen.

Wax kasta oo maanta aad Photoshop, Illustrator iyo indesign ku sameysaan anigu Ms-Word ayaan ku sameyn jiray, sababta keentay na waxa ay ahayd marxaladda, bay’ada shaqo iyo dadka aan la shaqeynaynay ba iima aysan saamaxayn inaan wax cusub iyo si cusub wax u sameeyo, waayo aniga horraantay shaqadu waa ay socotay, nidaam iyo process-yo la maro ayayna lahayd, wax cusub inaan keeno ama aan wax ka badalo qaabkii hore ee loo shaqaynayay aniga oo aan khibradna u lahayn waa ay adkeyd, sidaa darteed maba isku dhibin, Ms-word kii lagu shaqeynayay ayaan master gareeyay oo aan wax fiican kusoo saari jiray. Halkaasna waxaad ka ogaanaysaa in designer-ahaan aysan muhiim ahay tools-ka aad isticmaalayso balse ay in badan muhiim tahay kuwa aad haysato sida aad u taqaano ama aad shaqo qurux badan ugu qaban karto.

Markii dambe waxaa la i siin jiray Lacag gaari raac ah oo maalinkasta waxa aan qaadanayay 1$. Waxaa laga yaabaa inay hadda adiga kula yartahay lkn xilligaa halkaa dollar wuu igu filnaa gaari kuma raaci jirin inta badan waan urursan jiray kedibna hadba wixii aan u baahdo ayaan ku iibsan jiray.

Sidoo kale  qado ayaa helayay waayo badanaa markaan 12-kii iskuulka ka rawaxo xaafadda ayaan tagi jiray dharka intaan iskasoo badalo oo aan salaad duhur soo dukado ayaan hora kasoo laaban jiray oo qado maba sugi jirin, sababtuna waxa ay ahayd xiisaha aan u qabay shaqada aan qabanayay waqtiguna aad buu iila yaraa sidii aan shaqada iyo casharadaa ugu dhex jiro ayaan waxa aan arkayay iyadoo 8-dii habeenimo lasii marayo.

Aniga oo Ms-Word-kii ku shaqeynaya ayaa hadana dhanka kale waxa aan isku dayayay inaan sii barto Adobe photoshop, tutorials badana ayaan daawaday, waan practice gareeyay, waxyaalo badan ayaan sameyay oo aan qaarkood idin la wadaagi doono amaba horey bartay instagram idinkula wadaagay.

Saan internet-kaa ugu dhex jiray markii dambe waxaaban ogaaday inuu jrio field dhan oo  Graphic design la yiraahdo oo qeybo badan leh oo arrinku photoshop kaliya ku koobneyn, waan sii baaray wax badanna waan kasii bartay.

Shaqadii Muddo ku dhow laba sano ah ayaan joogay kedibna waana isaga  tagay sababta oo ah shaqada oo waqti badan iiga baahned iyo aniga oo xilligaa soo gaaray fasalka 4aad ee dugsiga sare (F4), imtixaanaadkii dugsiga sare na i sugayeen, waxa aan maamulkii shaqada ka codsaday in shaqada la iga fasaxo wayna iga aqbaleen iyaga oo ka xun inaan ka tagayo.

Alle mahaddii  Iskuulkii waan dhameeyay, shaqo kale ayaan bilaabay oo macallin dugsi, hoose, dhexe ayaan ka noqday isla iskuulkii aan wax ka baranayay ee Banadir Zone.

Kedib waxa ay noqotay inaan jaamacad billaabo, dhowr jaamacadood oo magaalada ku yaalay yaan booqday waxa aan raadinayay kuliyad la xiriirta  Field-ga graphic design-ka,

Badankood waxa ay ii sheegeen inaanay jirin kulliyad u gaar ah oo wadanka laga heli karo waqtigaa laakin qeybo kamid ah koorsooyinka lagu dhigto kulliyadda IT-ga ay soo hoos gelayaan oo laga yaabo in half semester inaa maado ahaan u qaadato. Saas bay igu qanciyeen.

Markii dambe waxaan go’aansaday inaan IT iska barto, maadaama oo ay ahayd kulliyada iigu dhow oo field-ga aan doonayo la xiriirta.

Nasiib darro jaamacadiihii ugu roonaa tayo ahaan ee aan u tagay fee-ga lagu dhigto ayaan awoodi waayay, waayo lacagta fee-ga aniga ayaa iska bixinayay, cidna kama aan sugeyn inay jaamacadda iga dhiibto, markii dambe jaamacad aan ka bixi karo fee-geeda deegaan ahaanna ii dhow ayaan iska soo qoray, sidaa ayaana ku billaabay jaamacaddii.

Waxa ay noqotay gallin inaa magaalada kasoo shaqeysto, gellinka kale na jaamacada tago.

Sidii ayaan sameeyay, computer Laptop celis ah ayaan soo iibsaday, dhanka kale waxbarashadii online ka ahayd ma aana joojin oo waan isku wadaa, waqti ka badan kan aan waxbarashada jaamacadda ku bixiyo ayaana ku bixin jiriay waxbarashada online-ka ah waayo aad baan u xiisaynayay field-gan. Markii lagasoo tago Youtube-ka meelaha aan si fcn wax uga bartay waxaa Kamid ah Skillshare iyo Udemy oo aan illaa maanta wax ka barto.

Si aan xirfaddayda usii horumariyo waxa aan furtay Facebook Page aan ugu magac daray “Abdalla Designs”  runtiina waxa ay ahayd tallaabo wayn oo aan horey u qaaday, waxa aan kusoo bandhigi jiray designs-ka aan sameeyo oo u badan Practice-ka aan sameeyo.

Dadka ila soo xiriira free ayaan design ka ugu sameyn jiray, kuwa qaar aniga ayaaba ka codsan jiray inaan free design ah u sameeyo.

Si kastaba ha ahaatee halgan badan kadib khibrad badan ayaan kororsaday intii aan safarkeygaas ku jiray dad badan oo qiima lehna waa isku baranay. Xiriiro iyo fursado shaqo oo fiicanna waan helay. Dad kala duwan oo dalka iyo dibaddiisa joogana fursad ayaan u helay inaan la shaqeeyo.

Instaa kadib waxaan odaaday iney jirto caqabad heysata ardayda soomaaliyeed taas oo aheyd inaanay heysan meel ay ka bartaan xirafaddan Graphic design-ka ayna wajahayaan mid lamid ah caqabadihii adkaa ee aan soo maray.

Si aan baahidaas taagneyd u daboolo ayaan waxaan go’aaansaday inaan diyaariyo koorsooyin ku saabsan graphic design-ka iyo video editing-ka oo af-soomaali ku baxaya aniga oo caawinaad ka helaya mid kamid ah saaaxiibadayda oo lagu magacaabo Abdirahman Abdillahi AKA @Macruuf.

Markaas ayayna nagu dhalatay inaan sameyno Haldoor Academy oo ah madal waxbarasho oo hab online ah uu qofku uga baran karo koorsooyin kala duwan oo xirfadaha qofka dhisaya kuna baxaya af-somali. Waxa aan ku bilownay barta Telegram inaan duruusta ku bixino. Markii dambe na waan sii horumarinay akademyadda oo  Website-ka haldooracademy.com ayaynu dhisnay oo illaa hadda ay ku jiraan ku dhawaad 20 koorso oo isugu jira Graphic design, Video editing, Animation, Web design and Web Development isla markaana ay dhigayaan macallimiin kala duwan oo khibrad u leh field–yadan kala duwan. Annaga oo ka duulayna Halku dhigga akademy-dda oo  oo “hoyga xirfadaha” ayaan maalin kasta waxaan ku dadaalnaa inaan caawino dhalinyarada soomaaliyeed si ay u helaan xirfado wax ku ool ah oo mustaqbalkooda anfaca.

Kumanaan arday ayaa akademyadda wax ka baratay tan iyo markii la aas-aasay, hadana qaar kamid ah ardaydaa aynu soo saarnay waxa ay ka shaqeeyaan shirkadaha ugu waaweyn dalka, qaar kale na ay business-yo u gaar ah ayay furteen, halka kuwa kale na ay freelancers madaxbannaan noqdeen ayna si iskood ugu shaqeystaan xirfadahooda.

Intaa wixii ka dambeeyay horey baan usii socday, wax badan baan sii bartay, shaqooyinno kala duwan iyo meela kala duwan ayaan ka shaqeeyay, illaa laga soo gaaro waxqtiga aan qoraalkan soo qorayo oo aan Dalka Djibouti u joogo arrimo Shaqo.

Runtii billowgii safarkeyga ma ahayn mid fudud, sabab kasta oo aan ku istaagi karo oo aan riyadeyda uga hari karo waan heystay, lkn isma aanan dhiibin Alle ayaana talada saartay hore na waan u socday.

Haddaba adiga maxaa cashar kuugu jira sheekadeyda?

Hagaag, haddii aad dib u eegto sheekada waxaad arkaysaa inaan kaa tusiyay hal dhinac oo ah dhinaca jabka, wax heysasho la’aanta, caqabadihii isoo maray iyo sidii aan ugasoo gudbay. Waan awoodi karyay  kaliya inaa kaaga sheekeyso markii aan dhibaatadan soo maray kadib wixii aan helay, fursadihii aan helay, meelihii aan tegay, shaqooyinkii aan qabtay iyo wixii aan ku guuleystay, laakiin muhiimad gaar ah kuuma sii laha taasi.

Waxaa laga yaabaa inaad maanta dareemeyso caqabado ku heysta ama wax iskugu kaa toosi la’yihiin, marka waxaan rabaa inaad niyad wanaag iyo dhiiranaan ka qaado, caqabad kasta oo kusoo waajahdana aysan ku joojin oo aad yoolashaada ka dhabeyso. Midna waa inaad niyadda ku heysid marwalba adduunyadu bilaa caqabad ma noqoto, caqabada ku heysta ayaa is badbadala uun, meelkasta iyo heerkasta aad joogto caqabado way jiraan waa ayna jirayaan. Kaliya waxa aad u baahantahay inaadan noqon qof caqabaduhu ka adkaadaan. Noqo adke.

Haddii aad halkan soo gaartay talada aan ku siinayo waxa ay tahay: “waligaa ha joojin inaa wax cusub barato. Ma jirto meel aad intaa gaarto aad oran karto iminka ayaan wax bartay”. Inta aad nooshahay wax sii  kororso.

Aniga wali graphic design waan  bartaa maalin kastana waxaan arkaa aragtiyo iyo farsamooyin aanan waligay arkin, Sidoo kale waxaan sii bartaa field-yada kale ee la xiriira design-ka, Sida UI/UX Design, 3D iyo Motion Graphics.

Mana ahan Graphic design kaliya ee cilmi kasta ayaa u baahan inaad maalin kasta ku dhex jirtid oo aad wax sii biirsatid.

Intaas ayaa ugu muhiimsan Ayaan isleeyahay safarkeygii  aan ku noqday designer-ka.

Wixii fikirkaaga ah hoos igula wadaag, sidoo kale sheekadaada aynu maqalno, qof kasta sheeko u gaar ah ayuu leeyahay.

Waxaa qoray: Abdullahi Sheikh Abdi

Graphic designer isku sheeg ku nool Djibouti.

haldoorgfx

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *